Dilka Sh Cabdinaasir Xaji Axmed iyo culumada ka horeysay ee la dilay imise qolo ayaa ka qeyb qaadatay

March 5, 2022 - Written by Editor

Baydhabo:-Ilaah baa mahad leh amaan iyo nabadgelyo dhamaanteed Nabigeenii Maxamed csw ahaa korkiisa ha ahaato waxaan alle uga baryayaa Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed  in uu janadii ka waraabiyo wuxuu ka mid ahaa culumada Soomaaliya kuwooda ugu waaweyn uguna cilmiga badan waxaana dilay kooxda Maafiyada ah ee gaalada u shaqeysa ee Al-Shabaab siddii ay horey ugu dileen magaalada Boosaaso Sh. Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan raximahulaah Garowe ugu dileen isaga oo salaad casar ku jira oo Rakuucsan Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax  ilaahay ha u naxariisto.

Hadaan horey u galo mowduuceyga waxaan rabaa in aan walaalaha Islaamka iyo culumada Soomaaliyeed aan la qeybsado murugada iyo tacsida marka dhanka kala la eegana ah Guul iyo khaatumo fiican oo aan u rajeyneyno Sheekheenii Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed  waxaan rabaa in aan soo gudbiyo inta qolo oo ka qeyb qaadatay dilka Sheekha kuwaas oo kala ah .

Qeybta koowaad:-Wadaadda kooxada dishay Sheekh Cabdi Naasir  Xaji Axmed kuwaas oo diyaariyey jawiga lagu dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyo Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan iyo Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed ,Sheekh Maxamed Tahliil iyo culumo iyo ducaad kale oo badan iyaga oo qabtay Muxaadarooyin iyo nadwooyin ay si gaar ah ugu canbaareynayeen Ururkii ay ka tirsanaayeen ee Al-Ictisaam iyaga oo ku tilmaamay ,Urur Inxiraafay ,gaalo la shaqeysta,Caqiida ka siibtay,Maamulo rido ah u shaqeeya,Musasada Ran ee Mareykanka ay dacmiso ,bal kuwa qaar kood waxay si cad iyo  si dadban u sheegeen in gaalo ay yihiin una shaqeeyaan Gaalo dunidana la dhaafiyo  waxaaan kuwaas ugu qeylo weyn Wadaadka Xasaan Xusen oo fadhiya dalka Kenya kaas oo qaba in meelaha ay ka taliyaan Al Shabaab mooyeen inta kale gaalo yihiin sida qoraal uu ku taageerayey shir ay kooxdaas ku qabtay Baydhabo  wuxuuna si cad u yiri “Maslaxadu waxay ku jirtaa in la gaalaysiiyo dhamman shacabka iyo culimada ku dhaqan nidaamyada jira oo dhan ee riddada ah, ha rumaysnaadeen gaalnimada ama yeysan rumays naane, qofkii ducaadda ka mid ah oo sida khilaafana waa in la gooyaa, la cambaareeyaa ama la yiraahdaa waa faasiq” (Ta’yiid wa Munaasarah, Bogga 43).

Qeybta Labaad:- warbaahinta taageera Kooxda Maafiyada ah ee dilay culumada -kuwaas oo been abuur badan ka fidiyey culumada Ictisaam iyaga oo ku sheegay culumo gaalo raacay waxayna u adeegsadeen arinkaas website iyo Radio FM ah iyaga oo jiilka dhalinyarada ee aan diinta aqoon u diyaariyey in ay dilaan culumadii Ictisaam mar haday raaceen Gaalo walow been abuuro badan ay daaha ka qaadeen Shabakkadda wararka Halgan.net allaha ka abaalmariyee.

Qeybta Saddexaad:-Waxaa jawiga lagu dilay Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed  iyo culumada Ictisaaam qeyb weyn ka qaatay rag dhalinyaro ah oo maqaalo kala duwan ku qoray Baraha Bulshada  kuwaas oo aad ugu xadgudbay culumada Ictisaam ilaa ay gaarsiiyeen in ay gaalo yihiin ama la shaqeystaan waxaana maqaalada soo qori jiray ku dhaawaad10 dhalinyaro ah kuwaas oo qaarna la yaaqaan kuwana ay la baxeen magacyo kunyo ah. Qatar baa ku faray dilka Sheekh Cabdi Naasir Xaji iyaga ku tilmaamay Gaal Bakhtiyey  kuwaas waxaa xarun ah oo ay joogaan magaalada Nairobi iyo ceelasha biyaha .waxaana ilaahay fadligiis ah in ay keydsan  yihiin qoraaladooda dhiiga sheekhana qaar ka mid ah tuhun weyn aan ka qabo in ay qeyb ka yihiin  

Qeybta 4aad:-Waa qeybta ugu makriga iyo siyaasada badan waxayna ay soo dhigaan Mareegaha Al-Shabaab iyo Al-Qaacida taageera qoraalo iyo risaalooyin ay leeyihiin rag Takfiiriyiin ah oo culumadii ugu waaweynaa ee salafka gaalo u yaqaan sida ibnu Baz ,iyo Sheekh Cuthaymiin iyo culumo kale oo badan ,mar marka qaarkood waxay soo qoraan risaalooyin ku qoran carabi oo aad u liita oo ay ka buuxaan Gaaleysiin ,caay qayaxan oo intabada la duldhigayo culumada Ururka Ictisaam.

Hadaan ku hormaro Qeybta koowaad Wadaada Maafiyada  dishay culumada  waxay in mudo ah wadeen in ay gaaleysiiyaan Culumada Ictisaam markii ay culumada Ictisaam ay bilaabeen in ay naqdiyaan sida ay wax u wadaan Ururka maafiyada ah sida qaraxyada ,dilalka haldoonka ayaa waxay wadaadadaasay bilaabeen difaac culus waxayna bilaabeen Nadwooyin iyo muxaadarooyin raga ka qeyb galay oo aad u buufiyey dhalinyarada kuna tilmaamay culumada Ictisaam kuwa gaalo ah  oo maamulo rido ah la shaqeysta  cododkoodiina waaba kuwa Soomaalida ka dharagsan tahay keydsana waxaa ka mid ahaa

1-Jaamac Cabdi Salaam

2-Claahi Raabi Kaahin

3-Nuur Macalin

4-Fu,aad Shangoli

5-Macalin Burhaan iyagaa dilay 

6-Claahi Cali Xaashi

7-Mahad Karatee

8-Xasan Maxamuud Takar

9-Cali Xaaji

10-Maxamed Ahmed Bali

11-Xasan Daahir Aweys (wuu xiran yahay)

12-C/qaadir Muumin  wuxuu sameystay Daacish 

13 Maxamed Bishaar

14 Xasaan Xusen Aden iyo rag kale oo badan 

Nadwadii ugu horeysay oo ay qabteen ururka dilly culumada  si rasmi ahna ay ugu hadleen Ururka Ictisaam waxaa lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa waxaa kuugu filin in Ururka Al-Shabaab ay gaalo u arkaan Ururka Al-Ictisaam iyo culumadiisa leyntiisan ay tahay Al qaatilu mujaahid, wal maqtuulu shahiidun.

”.Hadii aad si fiican u milicsato Logada Nadwada ay qabatay kooxdan gaalada la shaqeysta  waa calankii Mareykanka iyo Magacii Ururka Al-Ictisaam oo la isku xardhay waxaana cinwaan looga dhiga “Ururka Ictisaam oo u dhexeeya la shaqeynta gaalada iyo luqooyada Mujaahidiinta “waxaana qofkii wax yar diin ka yaqaan uu fahmi karaa aayada ka koreysa qoraalka Jaamacat Ictisaam dib baan u faahfaahin doonaa Nadwada lagu qabtay xamar iyo ujeedada laga lahaa.

Waxaa Nadwooyinkaas iyo Muxaadarooyinkaas dib loo soo ceshay ka dib dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax taas oo danta laga leeyahay ay tahay in da,yarta aan waxba kala garaneyn lagu shubo in wadaadda Ictisaam in ay waagii hore fiicnaayeen oo ay ahaayeen salafiyo qux ah haatana ay gaalo u adeegaan oo ay leexdeen! laguna diyaariyo qawi kale oo lagu khaarajimo rumuusta Ururka Al-Ictisaam balse beentaas ma ah mid ka gadmeysa umada wax akhrisa aadna ula socda saxwada Islaamka maadaama la bartay warbaahinta kooxdaas.

Waxaan uga danleeyahay Maqaalkan iyo kuwa kale ee ku xigi doona in ay umada Soomaaliyeed arkaan qaabkii iyo jawigii lagu diyaariyey dilka culumadii hore Iyo Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed oo ay magaalada Kismaayo ku qarxiyeen  raximahulaah .

Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed raximahulaah in uu hadaf u ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa si cad u sheegay Sheekha Laftigiisa wuxuuna sheegay in ay dhowr mar u soo dhaarteen wiliba wax uu sheekha si gaara iigu sheegay in markii la dilay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax uu soo wacay wadaadka Jaamac Cabdisalaan una sheegay in cumulada dhamaantooda hadaf yihiin isaga oo rabay in uu cabsiiyo Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed balse uu ka diiday una sheegay in ay munxarifiin yihiin xaqana la cadeyn doono culumadana ay ku dhiman doonaan halka culumada ka horeysay ay ku dhinteen  la soco qeybta 2aad.

Bile Hassan Osman

Abu Saciida

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online