Golaha Wasiirada DFS oo ansixiyay Miisaaniyada rubaca labaad ee sanadka

March 13, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan $ 206,474,223, taas oo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha   April ilaa June ee sanadkaan.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigay Miisaaniyadda Kumeel Gaarka  ah oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka, iyadoo goluhu si buuxda  u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si aysan hakad u galin howlaha dowladda, maadaama dalku ku jiro doorashooyin.

Shirka Golah Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka oo heer gabagabo ah maraayo iyo dadaallada dowladda ee wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira.

—-Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online