Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay Maxkamadda sare ee dowladda Puntland.
March 31, 2022 - Written by EditorGaroowe: -Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 21 ee 30ka March 2022 kuna saabsan dhismaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90-aad
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.Markuu la tashtay :
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda PuntlandWuxuu Xeeriyey:Magacaabid
1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland.
2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiyah Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland.
Waxaa kale oo la magacaabayB. Keydka1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali XubinT. Xubno Guddi
1. Daahir Maxamed Nuur
2. Xassan Cabdi CilmiXeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
—–DHAMMAAD—–