Madaxweynaha Jubaland oo shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland.

March 10, 2022 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda oo maanta lagaga hadlay qodobo kala duwan.Madaxweynaha ayaa ugu horayn golaha uga warbixiyey xaaladda amaanka xili ciidamadda ay ku howlanyihiin sugida amniga deegaanada Jubaland iyadoo Madaxweynahu uu ku amaanay Ciidaamada sida ay diyaarka ugu yihiin badbaadinta iyo ilaalinta shacabka xili dalka uu doorasho ku jiro.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu golaha warbixin ka siiyay doorashooyinka kasocda guud ahaan dalka iyo si gaar ah Jubaland isagoo sheegay in ay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii losoo dhameeystiri lahaa xubnaha xildhibaanada dhiman ee deegaan doorashadoodu tahay Jubaland.

Intaa kadib Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland ayaa ka warbixiyey xaaladda abaaraha oo kasii daraysa iyo xiriirinta howlaha Gargaarka Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda ay isbuucydan soo socda gurmad gaarsiin doonto qoysas gaaraya (97,000) sagaashan iyo todobo kun oo qoys oo isugu jira raashin iyo lacag Iyadoo todobaadkana ay wasaaradda qaabili doonto wafuud calami ah, Wasiirka waxa uu sheegay in aalada fogaan araga uu ka qayb gali doono madasha arrimaha bini’aadanimada Midwoga Yurub halkaa oo uu kaga warbixin doono arimaha abaaraha ee kajira deegaanada Jubaland.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Jubaland ayaa dhinaciisa golaha oga warbixiyey Tababar ku saabsan dabagalka iyo qiimeynta mashaariicda oo la siiyay dhowr wasaaradood iyo hay’adaha kala shaqeeya Xiriirinta Hay’adaha Caalamiga ah ee ku hawlan gurmadka abaaraha kuwaas oo kala ah.

1) Barnaamijka xakameynta fatahaadda webiga Jubba

2) Barnaamijka Biyooley iyo dhismaha xarunta kaluumeysiga ee Buurgaabo

3) Xogg ururinta awoodda dhaqaalaha ee qoyska oo ka billaabaneysa Jubaland bishan dhamaadkeeda

——. DHAMMAAAD.—-

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online