Madaxweynaha Jubaland oo tacsi u diray Ehelkii Aamino Maxamed Cabdi.
March 23, 2022 - Written by EditorKismaayo:-INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u Naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Magaalada Beledweyne,
Falalka amni daro ee Sida weyn dalka ugu sii kordhaya oo uu kamid yahay weerarkii lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee Aaden Cadde maanta waxay muujinaysa halista uu dalku ku jiro taas oo u baahan in si wadajir ah loogu istaago samata bixinta dalka.Marxuumada Alle janadii ha geeyo, ehelkeedana Samir iyo iimaan alle ha kasiiyo.
Aamiiin.