Madaxweynaha Puntland oo dib ugu celiyey xilkii Agaasimihii hore Ciidanka PSF Jen Maxamuud Diyaano

March 4, 2022 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces)

.2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

—DHAMMAAD —
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online