Madaxweyne Deni oo isu taagay qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.[Video]

March 20, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u taaganyahay qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya. “Waxaan rabaa caawa inaan dadka reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeedba u sheego in aan u taaganahay qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaan halkan baaq uga diraya dhammaan Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya in ay ku midoobaan in maamulka hada jira la bedelo, hadafka u weyn oo aynu leenahay waa in uusan sii joogi karin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si dalka loo samatabixiyo oo uu hore u socdo. Hadafka koowaad oo aan lee ahay waa kaas waxaan rabaa inaan kala shaqeeyo cidkastoo hadafkaas leh.

Aniga iyo dadka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada labada Aqal iyo kuwa kale ee State-yada kale iyo dadka Soomaaliyeed dhammaantoodba waxaan rajeynaya in aan kawada qeyb qaadano isbedel muuqda oo ku dhisan nidaam dimuqraadi ah, nidaam horumarka u shaqeynaya, nidaam wanaaga iyo isjacaylka abuuraya, nidaam turxaan bixinaya khilaafaadka dadka, kala dheerashahana iyo bulshada dhexdeedana illaalinaya inuu marwalba Isku soo dhoweeyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Sidiid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa musharxnimadiisa ku shaaciyey xafladda gunaanadka doorashada Xildhibaanada cusub ee Puntland ku metelaya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Guddiyada Doorashooyiinka heer Puntland iyo heer Federaal , Goleyaasha Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa ka go’an oo uu isu taagay Sidii uu dalka uga badbaadin lahaa xaaladda halista ah ee uu dalka dhaxalsiiyey nidaamka hadda jira, iyo in dalkeena loo horseedo nabad, midnimo, dadka oo codeeya iyo horumar in dalka la gaarsiiyo.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online