Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey dilka Xildhibaano Aamino Maxamed Cabdi

March 23, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi oo ku shihiidday qarax ay kooxda arxan-laaweyaasha Argagixisada ahi caawa kula eegteen magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha oo sidoo kale tacsi u diray ehelada masuuliyiinta iyo muwaadiniinta kale ee Ku geeriyoodey qaraxa, ayaa falkaas arxan darrada ah ku tilmaamay mid bahalnimo ah, oo ka tarjumaya dhagarta kooxaha argagixisada ee cadowga ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed ee birimageydada ah. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ay caawa argagixisadu cadowga ku ah nolosha iyo jiritaanka ummadda ay ku dishay magaalada Beledweyne. Qoyskeeda, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa geeridaa tiiraanyada badan leh.”Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda iyo muwaadiniinta kale, Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.

—DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online