Midowga Musharaxiinta oo taageeray jadwalka ay soo saareen guddiga FEIT

March 16, 2022 - Written by Editor

Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan jadwalka dhammaystirka doorashooyinka 2020/22 ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT).

Jadwalkaas oo xalay soo baxay ayey guddiga ku sheegeen inay qorsheynayaan in xildhibaanada cusub la dhaariyo 14-ka April. Hase yeeshee, waxaa ka horyimid maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo sheegay in taasi aanay aheyn shaqada guddiga.

Midowga Musharaxiinta ayaa qoraalka ay soo saareen ku taageeray guddiga doorashada heer federaal, ayaga oo ka digay dib u dhaca kale oo ku yimaada dhameystirka doorashada.

“Goluhu wuxuu caddaynayaa in dibudhac iyo daah sanad ka badan ee doorashooyinka dalka, ay sababtay firaaq dastuuri ah iyo halls ku timaadda sharciyada iyo jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah. Goluhu wuxuu adkaynayaa in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco soo-jireenkii doorashooyinka 2016/17 ee ku aadan masuuliyada GHDHF ee la xariira waqtiyeynta dhamaystirka hawlaha doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Goluhu wuxuu caddaynayaa, in kaalinta Dawlad Gobolleedyada ay ku eg tahay fududeynta doorashooyinka ee deegannadooda. Wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa in ay faraha kala baxaan hawlaha GHDHF.”

Golaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka, Xukuumadda iyo beesha caalamka in ay gacan ku siiyaan GHDHF, “meelna looga soo wada jeesto cid walba oo isku dayaysa carcialadaynta dhammaystirka hawlaha doorashada.”

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online