Raisulwasaaraha DFS oo kulan la qaatay Danjire Fransisco Madiera
March 24, 2022 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu la kulan la qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fransisco Madiera waxaana laba Masuul ay ka wada hadleen kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, kadib markii weerar ay kooxda Maafiyada ku qaadeen meel u dhow xerada Xalane iyo qaraxyadii ay ku xasuuqeen Muslimiinta magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Raisulwasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamay weerarada kooxda Maafiyada ee caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah in u jeedadoodu tahay carqaladeynayeen doorashada dalka iyo in la helo dowlad sharci ah .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net