Taliyaha Cusub ee Ciidamada Madaxtooyada oo xilka la wareegay.
March 3, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, ayaa xilka u kala wareejiyay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Madaxtooyada G/Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) iyo Taliyihii hore ee Ciidamada Madaxtooyada G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo hadda ah Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Bari.
Munaasabadda uu xilka kula wareegay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Madaxtooyada G/Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati), waxay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso, waxaana ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani, Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha aaga Bari ee Ciidamada Difaaca Puntland G/sare Siciid Nuur Shire, Taliye-xigeenka Ciidanka Asluubta S/Guuto Cabdirisaaq Gantaal iyo Saraakiisha xilalka kala duwan haya ee Madaxtooyada Puntland.
—Dhamaad—