Taliyaha Cusub ee Ciidamada Madaxtooyada oo xilka la wareegay.

March 3, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, ayaa xilka u kala wareejiyay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Madaxtooyada G/Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) iyo Taliyihii hore ee Ciidamada Madaxtooyada G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo hadda ah Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Bari.
Munaasabadda uu xilka kula wareegay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Madaxtooyada G/Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati), waxay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso, waxaana ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani, Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha aaga Bari ee Ciidamada Difaaca Puntland G/sare Siciid Nuur Shire, Taliye-xigeenka Ciidanka Asluubta S/Guuto Cabdirisaaq Gantaal iyo Saraakiisha xilalka kala duwan haya ee Madaxtooyada Puntland.

—Dhamaad—

Comments are closed.

Archives
March 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online