Gen. Cabdicasiis Siciid Maxamuud oo lagu aasay maanta Garoowe.

August 14, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay AHUN Xildhibaan hore Gen. Cabdicasiis Siciid Maxamuud.

Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Ehelka marxuumka, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa markale uga tacsiyadeyey bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida AHUN Gen Cabdicasiis Siciid Maxamuud, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay Aaska.

Alle ha u naxariisto Gen Cabdicasiis Siciid Maxamuud wuxuu xilal kasoo qabtay Dowladihii soo maray Puntland, wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland isagoo soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska DPL, Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Xildhibaan.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online