Golaha Baarlamaanka DFS oo si aqlabiyad ah ku ansixiyey golaha wasiirada cusub

August 7, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 1aad kulankiisa 14aad ee Golaha Shacabka BJFS, Ajandaha kulan oo ahaa ansixinta Golaha Wasiirada ee xukuumadda uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Kullanka oo ay soo xaadireen 237 mudane ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka xildhibaanada u weeydiiyey in ay siiyaan codkooda kalsoonida ah, waxaana cod gacan taag ah ku codeysay 229 xildhibaan waxaa diiday 7 mudane waxaana ka aamustay 1 Xildhibaan, sidaasina uu Guddoomiyuhu ugu dhawaaqey inay ansax tahay Xukuumadda.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyey kalsooni siinta Xukuumada uu soo magacabay waxaana uu sheegay in xukuumadiisa ay dardar gelin doonto hirgelinta Barnaamijyada horyaala.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa soo xirey kulanka Golaha Shacabka.

——-Dhammaad——

Comments are closed.

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online