Guddiga dib u-habeynta Ciidamada oo booqday xeradaciidanka ee Bixin.[Video]
August 16, 2022 - Written by EditorBIXIN- Guddiga dib u-habeynta Ciidamada ayaa tagay Xerada Ciidanka Bixin oo ay ka socoto shaqada Dib u habaynta Ciidamada Daraawishta gaar ahaan qaybta 26-aad ururka 26-aad ee Goboladda Sool iyo Nugaal.
Gudiga waxaa hogaaminaayay Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi oo uu weheliyay Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawishta Gen. Yaasin Cumar Dheere iyo saraakiil kale oo ka tirsan Taliska Ciidamada Daraawishta.
Ciidamadan ayaa ka mid noqonayaa Ciidamada maray tirakoobka ay wadeen Gudigga dib u-habeynta guulo wax ku ool ahna ay ka gaartay Dowladda Puntland.
Ugu damabyn Wasiir Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay wadayso dib uhabaynta ciidanka si loo helo ciidan tababaran oo ka dhisan dhan walba kan qayb qaadan kara difaaca Dalka.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland