Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo kormeeray Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.

August 17, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.

Guddoomiyaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha kala duman ee xafiisyada Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Taliska Hoggaanka Ciidanka, Isgaarsiinta, Dambi-baarista, Xiriirka Dadweynaha, Taliska Qeybta, Gaadiidka Booliska, Ciidanka SPU, Taliska BOL-Birmad iyo Xarunta guud ee Taliska Booliska Puntland halkaas oo ay ku soo dhaweeyn Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, Taliye ku-xigeenka S/Guuto Caydiid Ahmed Nuur iyo Taliyaha Hoggaanka Ciidanka Booliska Puntland G/Sare Cabdifitaax Cabdiqaadir Axmed (Aftaag).

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa mid mid u wareystay dhammaan saraakiisha Xafiisyada uu booqday, isaga oo balan-qaaday dayactirka iyo Qalabeynta Taliska Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha iyo Xuquuqa Aaadanaha Booliska Puntland, kadib codsi ay u soo gudbiyeen saraakiisha Hoggaankaas intii uu kormeerka ku jiray.

Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska, waxaana uu ka dhegaystay warbixino la xiriirta dhammaan shaqooyinka socda, qorshayaasha iyo caqabadaha jira, Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha uga warbixisay Amniga dalka, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarineed ee Booliska.

Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan oo ay hayaan Booliska ee sugida Amniga, isaga oo kula dar-daarmay gudashada waajibaadkooda shaqo ee ilaalinta sugida amniga

——DHAMMAAD——

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Comments are closed.

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online