Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Qatar Xasan binu Xamsa Haashim.

August 7, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Qatar Mudane Xasan binu Xamsa Haashim, ayaa ka guddoomay Martiqaad uu uga siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim binu Xamad.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Safiir Xasan binu Xamsa farriin iyo salaan uu u diray Amiirka Dowladda Qatar, waxa uuna uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen gudaha dalka, isagoo rajeeyey in dhambalkan iyo booqashada rasmiga ah ee uu ku tagayo dalkaas ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Xasan binu Xamsa Haashim ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha aqbalaadda martiqaadka uu u soo diray Amiirka Qatar, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa nuxurkiisu yahay sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo xoojiinta xiriirka labo-geesoodka ah ee labada dal, kaasi oo ku dhisan walaaltinnimo iyo wax-wada-qabsi.

——–DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online