Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray shirkada calafka xoolaha oo laga hirgaliyey Cadaado

August 17, 2022 - Written by Editor

Cadaado:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Kaariye, oo ku sugan Degmada Cadaado, ayaa soo indhadheeyay shirkad dhawaan laga hirgeliyay degmada Cadaado oo soo saarta calafka xoolaha oo yareyn doonta saameynta abaaruhu ku leeyihiin xoolaha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Galmudug, Xasan Cabdullahi Cascaseey, ayaa uga warbixiyay madaxweynaha, shirkaddan soo saarta calafka xoolaha.

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa bogaadiyay dhalinyarada hal abuurtay shirkaddan, isagoona sheegay in wax badan ay ka badali doonto baahida xoolaha ee ah inay helaan calaf, asagoona xusay in Xooluhu yihiin laf dhabarka dhaqaale ee Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa sidoo kale ay soo indha indheeyeen xayndaabka dhisme baaxad leh, oo maamulka degmadu u diyaariyeen in laga dhiso Jaamacadda wayn ee magaalada Cadaado, waxana uu madaxweynaha ballan qaaday in dowladdu dadaal badan ku bixin doonto, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ee dowladda Galmudug.




——-Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online