Madaxweynaha JFS oo Cabdisalaam Cumar Hadliye u magacaabay Ergeyga gaarka ah EAC

August 14, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoashada Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa u magacaabay Ergey Gaar ah oo u qaabilsan arrimahaas Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ergayga Gaarka ah looga fadhiyo sidii uu uga miro-dhalin lahaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixineyso ololaha ku biiridda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), si dadka Soomaaliyeed ay u soo bandhigaan fursadaha ganacsi, dhaqaale, bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin iyo doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin guud ahaan Gobolka.

Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Wasiir Cabdisalaam oo horay u soo hoggaamiyey hay’addo kala duwan oo waddani iyo kuwa caalami ah ayaa soo noqday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

——DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online