Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

August 18, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

“Innaa Lillaahi Waa Inaa Ilaahi Raajicuun!

Waxaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa. Si gaar ah waxaan tacsi u dirayaa Abwaaniinta Soomaaliyeed, eheladii iyo qoyskii uu marxuumku ka geeriyooday.

Wuxuu ahaa haldoor suugaanta Soomaaliyeed wax weyn kusoo kordhiyey, tusaalena ugu ahaa Bulshadeenna hibada, suugaanta iyo Afka iyo dhaqankeenna. Alle waxaan uga baryayaa in uu danbigiisa dhaafo oo janadii geeyo, Aamiin” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Mudane Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

——–DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online