Madaxweynaha Puntland oo kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Hay’adaha Dowladda

August 13, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Hay’adaha Dowladda sida Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Xafiiska Hanti dhowrka guud, Guddiga Qandaraasyada iyo Wakaalada Biyaha ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalay sida ay u socdaan shaqooyinka Dowliga ah iyo adeega Dowladnimo ee loo hayo Bulshada isagoo warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta xarumaha uu kormeeray. Madaxweynaha ayaa kulan uu la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, kadib wuxuu amar Madaxweyne ku joojiyay iibinta Buugaagta Manhajka Waxbarasho ee ardeyda Dugsiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo oo la saxayo khaladaadka hadda jira.

Xarunta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa ka mid ahayd xarumaha uu kormeeray Madaxweynuhu wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda, sidoo kale Madaxweynaha ayaa Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga xiriirka Caalamiga ah, halkaasi oo uu warbixin uga dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda, Iyadoo Kulanka Wasaaradda qorsheynta looga hadlay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa la wadaagay Madaxweynaha shaqooyinka u qabsoomay, oo ay ugu horeyso qorshaha horumarinta Korontada. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu kormeeray Wakaalada Biyaha ee Dowladda Puntland, Agaasinka Wakaaladda iyo Injineerada xarunta ayuu Madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin ku saabsan Howlaha Ceelal qodista ee Wakaaladu waday iyo sidii biyo ku filan dadku u heli lahaayeen madaama xili abaar ah lagu jiro.

Xarumaha kale ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uu maanta kormeeray waxaa ka mid ah Xafiiska Hanti dhowrka Guud iyo Xafiiska Guddiga Qandaraasyada, Masuuliyiinta xarumahan ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixino dhameystiran oo ku saabsan shaqooyinka ay hayaan iyo kuwa u qorsheysan.

Guud ahaan kormeerka Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta shaqooyinka Dowladnimo oo ay ugu horeyso adeega bulshada loo hayo, shaqooyinka la qabtay, Kuwa socda iyo qoesheyaasha inoo yaalla.

————DHAMMAAD—————-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online