Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiinta ka socda Wasaaradda Waxbarashada

August 15, 2022 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Shirkada qaabilsan daabacaada manhajka Waxbarashada Dugsiyada Puntland.

Kulankan ayuu Madaxweynaha Dowladda Puntland warbixin ku saabsan Manhajka Puntland kaga dhegaystay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, falanqeyn iyo dib-u-eegis lagu sameeyay qiimaha Buugaagta iyo sidii culayska looga yareyn lahaa Waalidka, waxaa Kulanka laga soo saaray go’aamadan.

1. In qiimihii ahaa $5 Dollar oo Madbacadaha midoobey ee Puntland ay ku qoreen Buuggaagta Manhajka Puntland, uu ahaa mid macquul ah markii la eegay Kharashkii ku baxay qorista, daabacaada iyo ka shaqeynta. Maadaama Dowladdu aysan haysan cid ka caawisa shaqadaa.

2. Waxaa la go’aamiyey iyada oo la eegayo duruufaha lagu jiro awgood in qiimaha buugta Dugsiyada sare laga dhigo $3 Dollar.

3. Dowladda Puntland waxa ay qaaday inay bixiso $ 2 Dollar oo u dhiganta $ 1,000,000 hal Milyan oo Dollar, iyada oo waalidiinta Puntland laga dulqaadaayo culayska saarnaa ee ku aadana qiimaha buuggaagta.

4. Waxaa maanta dib loo fasaxay iibinta Buuggaagta manhajka Waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland.

Sidaa darteed Kharashka $5 doollar ee daabacada Buugta waxaa loo qeybiyay labo meelood, $2 oo u dhiganta $1Million Dowladda ayaa bixinaysa, $3 waxaa lagu iibinaya buugaagta manhajka.

Waa markii ugu horeysay ee Dowladda Puntland ay yeelato manhajka Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare mudo 24 sano ah.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

——-DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online