Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqay xubnaha cusub ee Golaha wasiirada

August 2, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta ku dhawaaqay xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah oo ka kooban 26 wasiir, ka dib, wadatashi uu la sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda F.S, Guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golaha wasirrada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo lagu shaqeynayo halku dhegga Madaxweynaha JFS ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Mudane Xamse ayaa si xushmad iyo qaddarin leh uga codsaday xildhibaannada baarlamaanka in ay ansixiyaan golahan, marka la horkeeno, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isaga oo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo xukuumadda cusub.

no images were found

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2022
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online