Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

September 12, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulankii labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Shirkan ayaa diirada lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa dadaalka lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saamayeen abaaraha iyo arimaha amniga dalka.
1. HORDHAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulankii labaad ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran kaasoo socday muddo laba maalmood ah 11-12 September 2022. Shirka oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid

Cabdullaahi Deni oo isagu kaga qeyb-galay aalladda fogaan aragga.

2. QODOBADA KA SOO BAXAY KULANKAN GWQ

Labadii maalmood ee shirkan socday waxa ay Madaxwaynaha iyo xubnaha Golaha

Wada tashiga Qaranku diirada saareen sidii loo dardargelin lahaa dadaalka lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed ee ay sida daran u saamayeen abaaruhu, waxaana la isla gorfeeyay arrimha amniga dalka, iyadoo dib loo milicsaday qodobadii kasoo baxay shirkii 12 kii June 2022.

Gunaanadkii shirka labada maalmood ee Golaha Wadatashiga Qaran ku yeeshay magaalada Muqdisho 11-12 September 2022 waxaa Goluhu isku raacay qodobada

soo socda:

1) Ka dib abaarihii oo daba dheeraaday, dagmooyin ka mid ah dalkeenna ayaa galay xaalad adag, hadaba Golaha Wada tashiga Qaranku waxa uu

go’aamiyay in dowladdu dardar galiso howlaha lagu badbaadinayo dadka tabaalaysan, waxaana la faray dhammaan hay’adaha ku hawlan gurmadka in

ay mideeyaan dadaallada ku wajahan yaraynta saamaynta aabaraha. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda is kugu

gurmadaan. Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayuu Goluhu ugu baaqay in ay laba jibbaaraan taageerada gurmadka abaaraha.

2) Goluhu wuxuu si mug leh u bogaadinayaa howlgalada la-dagaallanka argagixisada ee ka socda dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan kaalinta ay shacabka reer Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka qaadanayaan la-dagaalanka argagixisada.

3) Goluhu wuxuu ugu baaqayaa deegannada kale ee dalka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka,

ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka in ay si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka

Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

4) Goluhu wuxuu isku raacey in la dardargeliyo lagana mira dhaliyo wadahadalada Soomaaliland.

5) Goluhu waxa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada.

6) Goluhu wuxuu isku raacay in laga shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

7) Goluhu wuxuu isku raacey in la isugu yimaado shir kale oo lagu lafaguri doono arrimaha hortabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya.

DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
September 2022
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online