Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyey qarax lagu laayey shacabka magaalada Beledweyne.[Video]
October 3, 2022 - Written by EditorBalcad:- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay Masuuliyiintii iyo dadkii qiimaha badnaa ee ku dhintay qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Dowlada iyo shacabka Jabuuti uga tacsiyeeyay ciidamadii kaga dhigtay weerarkaas argagixso.
Madaxweynaha ayaa sheegay in arxagagixisada cadowga ah ay ku jabeen dagaaladii lagula galay deegaanada Gobolka Hiiraan lagana xureyn doono dhamaan Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hirshabeelle inay u midoobaan sidii argagixada cadowga ah dalka looga xureyn lahaa.
-DHAMAAD-