Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay xiritaanka Shir weynaha Caalamiga ah ee Culuumta Shareecadda Islaamiga ah.[Video]

October 20, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb-galay xiritaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee Culuumta Shareecadda Islaamiga ah oo maanta lagu soo gaba-gabeeyey Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb galeen culummo iyo aqoonyahan ka socday gobollada dalka iyo dalalka Caalamka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda shirkan, maadama dalkeennu uu dagaal kula jiro fikirka xagjirnimada ah iyo argagixisada magaca diinta Islaamka ku gumaadeysa shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna.
“Waxa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin waa diinteenna suubban ee Islaamka. Dowladda oo gaabisay dowrkeeda ku aaddan diinta ayaa sabab u noqotay in argagixisadu ay ka faaiideystaan oo si khaldan ugu maran habaabiyaan dadka. Maanta waxaa naga go’an in aan fasiraddaas khaldan meesha ka saarno, dhaqankeenna bulsho iyo dowladnimo aan ku ilaalinno diinteenna suubban ee Islaamka.”
Dhankooda, Madaxda xarummaha cilmu-baarista shareecada, maamulka macaahidda iyo goobaha lagu barto culuumta diinta Islaamka ee dalka ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, gaar ahaan qeybta shareecada, iyagoona guddoonsiiyey billad sharaf ay ku maamuusayaan doorkiisa kobcinta waxbarashada dalka.
Munaasabaddan waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliin Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Mukhtaar Roobow Cali, culimmo iyo aqoonyahanno ka socday dalalka Jabuuti, Suudaan, Ciraaq, Nayjeriya, Al-jeriya iyo Itoobiya.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online