Madaxweynaha Puntland oo kulan sagootin ah la qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya

October 28, 2022 - Written by Editor

Muqdisho :-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan sagootin ah Kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo usoo dhammaatay shaqadii diblumaasiyadeed ee uu Soomaaliya u joogay.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland wada shaqeynta iyo doorkiisa hoggaamineed ee ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo shaqada uu ka qabtay Puntland ee sida horumarka iyo hirgelinta dimuqraadiyadda.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa Danjire James Swan uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay marxaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martay intuu Xafiiska joogay, sida Amniga, Arrimaha bani’aadantinimo iyo dadaalada Dowlad wanaaga, wuxuuna ku maamuusay Hadyad.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online