Madaxweyne JFS Xassan Sh Maxamuud “Qaraxa,dilka iyo maatada la gumaaday dhamaan lacagta aad bixisay ayaa qeyb ka ah “

October 29, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah ee maanta argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in culimada Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Diinta, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay shanti cisho ee la soo dhaafay si wada jir ah uga doodayeen hannaanka la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, taas oo ka tarjumaysa dhibaatada iyo xanuunka khawaarijtu ay u geysteen dadkeenna Soomaaliyeed iyo been abuurka ay ku sameeyeen diinteenna suubban.

“Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa sii caddaanaysa arxan-darrada iyo cadaawadda khawaarijta Alshabaab ay u hayaan qof kasta oo Soomaaliyeed. Qaraxa, dilka, xabadda la riday, ceelka la gubay, Masaajidka la dumiyey, maatada la gumaaday, dhammaan lacagta aad bixisaa qeyb ka ah ogoow, qofkii Alshabaab lacag siiyoow”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay in culimada Soomaaliyeed ay si cad ugu oogeen xujada khawaaarijta Alshabaab, taas oo daaha ka rogtay qiil kasta oo ay ku hoos gaban jireen, kagana been abuuran jireen diinteenna suubban ee Islaamka.

“Maanta ma jiro hal qof oo shaki uu kaga jiro qorshaha rasmiga ah ee argagixisada Alshabaab in uu yahay xasuuqa iyo gumaadka dadkeenna, goob kasta iyo goor kasta, laakiin taasi uma hirgaleyso, idam Alle, dalkana waan ka sifaynaynaa”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo ee kooxdan khawaarijta ahi kula beegsadeen Soobbe in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online