Madaxweyne Xassan Sheekh oo kulan saagootin ah kula qaatay Villa Soomaaliya safiirka dalka Imaaraatka Carabta.[Masawiro]

October 28, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al-cusmaan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Al-cusmaan, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Maxamed Al-cusmaan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, gaar ahaan walaalaha Carabta, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online