๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ ๐——๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ผ๐—ผ ๐—ž๐— ๐—š ๐—ฎ๐—ต

January 3, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Kumeel Gaarka ee Doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11aad. Mudane Xamse ayaa markuu arkay qodobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo goโ€™aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, uuna saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Markuu sidoo kale arkay Wareegtadii Lr.60 ee Burinta Xeer Madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Raโ€™iisul Wasaaruhu markuu arkay heshiisyadii iyo habraacyadii lagu hirgeliyay doorashooyinka dadban ee Baarlamaanka 11-aad 2021/2022 iyo sidoo kale sharciga buuxinta kursiga ka bannaanaada Golaha Shacabka ee Baarlamaanku ansixiyay 19-kii Abriil 2017.

Wuxuu magacaabay xubnaha Guddiga KMG ee maamulaya doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:
1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame
3. Cabdi Hiis Udan
4. Cabdishakuur Abiib Hayir
5. Cabdullaahi Cabdi Aden
6. Mowliid Mataan Salaad
7. Maxamed Aadan Cismaan Yare
8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed
9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed
Raโ€™iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Guddigan cusub ayaa waxa uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto.
—DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUร‰ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online