Wararkii ugu danbeeyey xaalada magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool

January 5, 2023 - Written by Editor

Laascaanood:-Xaalada magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ka jira saaka deganaasho aan cago badan ku taagnay ka dib dagaal xalay magaalada ku dhexmaray Ciidanka S/land iyo dadka deegaanka ka dib markii askar ka tirsan maamulka Soomaaliland ay si bareer ah u dileen nin dhalinyaro ah.

Ka dib dilka Ninkaan Dhalinyarad ah oo lagu magacaabo Mohamuud Cali Saadle [Geenyo] ayaa waxaa magaalada ka bilowday dagaal hubaysan oo u dhexeeya Ciidanka Soomaaliland iyo dhalinyaro hubaysan oo ka carooday dilka taas oo sababtay markii danbe in Ciidanka Soomaliland laga saaro magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Somaliland Nuux Taani ayaa waxaa ay kusugan yihiin deegaanka Gooja-cadde halka weli magaalada Laascaanood ay ka socdaan Banaanbaxyo lagu diidan yahay maamulka Soomaliland.

Garaad Jaamac Garaad cali oo saaka soo dhexmary magaalada ayaa waxaa uu dadweynaha u sheegay in ay ilaaliyaan nabad gelyada magaalada waxaan mar kale baaq u jeediyey Garaadadad ka soo jeeda Sool Sanaag iyo Cayn in ay shir iskugu yimaadaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2023
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online