Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo daah furay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar.[Video]
January 5, 2023 - Written by EditorBosaaso, January 05, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta magalaada Bosaaso kaga qaybgalay daah-furka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar oo si rasmi ah loo daahfurey.
Kulanka daah-furka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Bari Africa ee magaalada Bosaaso ayaa waxa ka soo qaybgalay Goleyaasha kala duwan ee xukuumada, Ururada Siyaasadda, Ururada Bulshada Rayidka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo khudbad kajeediyay madasha ayaa dadka Reer ee Gobolada Bariga ku kula dardarmaay in la is diiwaangeliyo lana soo baxo.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Bulshada Reer Puntland ugu hambalyeeyey munaasabadda daah-furka wajiga labaad ee Doorashada Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland taas oo horay loogu guulaystay qabashada Doorashadii hoedhaca ahayd ee 3 Degmo Eyl, Qardho iyo Ufayn.
Dhammaad.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.