Baarlamaanka JFS oo kulan ka yeeshay Heshiiska Dowlada Itoobiya iyo Somaliland

January 2, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa isugu yeeray Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ku cad dastuurka dalka, waxaana kulanka shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehlinayey Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ku-xigeennada Labada Aqal ee BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay kulanka Labada Aqal ayaa sheegay in ajandaha maanta uu yahay moowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay ilaalinta midnimadeed dhuleed iyo ka dooddida masiirka dalka, Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay wixii Addis Abbaba ka dhacay ay ka soo hor jeedo qaanuunka caalamiga ah, xeerarka Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xeerka Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay kulanka maanta ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay ilaaliso midnimada Soomaaliya aysan marnaba ku soo xadgudbin xuduuda iyo qaanuunka u yaala dalalka aduunka, Urur gGboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, isagoona sheegay in taako ka mid dhulka Soomaaliya aan la bixin karin.

Dhanka kale hadal-jeedinta Madaxweynaha ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeeshay, heshiis ku sheega dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Xildhibaannada labada aqal ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin, iyadoona Baarlamaanka uu maanta soo saaray Xeer ku saabsan burinta is afgarad beenaadka shalay lagu gaaray Addis Abbaba, kaas oo ay si wadajir u saxiixeen Soomaaliland iyo Maamulka Abiy Ahmed, waxayne cadeeyeen in lama taabtaan tahay biyaha iyo dhulka Soomaaliya, lana ilaaliyo nidaamka dunida u degsan iyo kan Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo kan Soomaaliya. Baarlamaanka labadiis aqal ayaa si wadajir ah u ansixiyay xeerka maanta uu soo saaray Baarlamaanka JFS.

———DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online