Baarlamaanka Puntland ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Puntland

January 30, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Dawladda ku shaqeyn doonto muddo 6 bilood ah taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay, kadib codsi Madaxweyne oo ku saabsanaa ansixinta Miisaaniyad KMG ah ee bilaha January – June, 2024 laguna sii dhaqmo Miisaaniyad Sannadeedkii 2023.

Miisaaniyada KMG ayaa ku saleysan Miisaaniyadii hore ee sannadkii 2023, taas oo aheyd $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda KMG ah ee bilaha January – June, 2024, si waafaqsan Qodobka 135-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Wasiirka ayaa ku sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha ahaa $97,212,528 dollar oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dollar dhakhligaan oo ku xaroonaya13 madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland.

Miisaaniyaddii 2023 waxay ka koobnayd dhakhli ku qoondeysnaa khasnada Dawladda ( On Budget) iyo dhakhli ka baxsan khasnad Dawladda ( Off Budget)

Miisaaniyadii 2023dii waxaa ku jiray filasho kab miisaaniyadeed oo dhan $22,275,432 oo bishii ku qoondeysnaa $1,856,286, waxaa sidoo kale ku jiray Miisaaniyadda filasho dhakhli ee mashaariicda horumarinta Bangiga Adduunka iyo JPLG oo wadar ahaan dhan $26,239,246 sannadkii.

Sida Wasiirka Maaliyadda ku sheegay Warbixintiisa dakhliga ka baxsan khasnadda Dawladda oo ka kala imaanayey Dawladaha hoose iyo mashaariicda hay’adaha Qaramada midoobey ayaa wadar ahaan dhan $230,972,619 halka ku talo-galka kharashka gudaha ee sannadka 2023 wadar ahaan dhammaa $119,487,960 dollar bishii ku qooneysnaa $9,957,330 taas oo Xildhibaanadii hore Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku sameeyay akhriskii 2aad.

Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 56 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 54 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 1 , sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyada KMG ah ee Bilaha January – June, 2024

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online