Guddiga Doorashada Puntland oo shaaciyay Liiska Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka

January 6, 2024 - Written by Editor

Garoowe:- Guddiga Doorashada Puntland ayaa shaaciyay Liiska Rasmiga ah ee Musharrixiinta buuxiyay Shuruudaha qabashada Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland. 

Guddiga Doorashada Puntland ayaa warbaahinta u soo bandhigay Liiska Musharrixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka kuwaas oo ka kooban 22 Musharrax .

11 kamid ah Musharrixiinta u tartamaya  Xilka Madaxweynaha ayaa gaaraya 11 Musharax halka 11 kale u tartamayaan Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Dhammaan Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu wargeliyay in ay Axadda berri ah oo ku beegan 7 Jan 2024 hor yimaadaan Baarlamanka si ay u soo gudbiyaan waxqabadkooda 5 sano ee soo socota.

Doorashada Puntland ee Madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa waxaa ku baxday diwaangelinta maanta lacag dhan ku baxday “Half Million”.

Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha waxay gaarayaan 11 Musharrax 11× $30,000 = 330,000 USD

Musharrixiinta Xilka Madaxweyne ku-xigeen, 11× $15,000 = 165, 000 USD.

Halgan.net

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online