Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo oo Hambalyo u diray Madaxweyne Deni.

January 8, 2024 - Written by Editor

Laascaanood:-Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali wuxuu Hambalyo u dirayaa Mud. Siciid Cabdullaahi Deni oo markale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Hoggaamiyuhu wuxuu ku bogaadinayaa shacabka iyo hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda Puntland sida habsamida leh ee ay uga shaqeeyeen in Doorashada Puntland ku qabsoonto Jawi nabadeed oo xasiloon.

Hoggaamiyuhu wuxuu illaahay uga baryayaa Madaxweynaha la doortay in illaahay xilka u fududeeyo, lana garabgalo masuuliyadda culus ee markale loo igmaday.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa xusay in Maamulka iyo shacabka SSC-KHAATUMO ay garabtaaganyihiin Shacabka iyo Dawladda Puntland.

——DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha

Maamulka SSC-Khaatumo

Email: Info@ssckhaatumo.so

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online