Madaxwerynaha Puntland oo u hambalyeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad Ee Puntland

January 1, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay iska dhex doorteen.

“Waxaan u hambalayeeynayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay doorteen, Allaah Waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka horyaalla, sida Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online