Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Madaxweynaha Puntland iyo Ku xigeenkiisa

January 8, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor hoggaanka la doortay in ay ku guleystaan waajibaadka loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Abdikadir Ali Dige,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so

——-DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online