Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi

January 21, 2024 - Written by Editor

Qaahira:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaas, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Kuanka gaarka ah ee Labada Madaxweyne kaddib, waxay wadajir u qabteen shir-saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro-dhalka wada-hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan Gobolka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay sida dowladda Soomaaliya ay ula kaashanayso xulafada , bahwadaagta iyo saaxiibbada caalamka sidii looga hortagi lahaa caqabad kasta oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara. Wadahadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahad celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah ee ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya ayaa soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin Labo dal oo qaan-wadaag ah, kuna mideysan dalladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno”.

Ugu danbeyntii, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xoojinta iskaashiga labada dal ee soo jireenka ah, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar guulaha muuqda ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dagaalka argagixisada iyo gaaridda guulihii taariikhiga ee dalkeennu ka gaaray qaadista Cuna-qabatayntii hubka, deyn cafinta iyo ku biiristii suuqa dhaqaalaha bulshada bariga Afrika.

———DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online