Madaxweynaha Puntland oo Hambalyo u diray Guddoonka cusub Ee Baarlamaanka Puntland.

January 4, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Hambalyo u diray Guddoonka cusub ee uu doortay Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta doortay Guddoonkooda, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.

Guddoonka cusub ee Golaha Wakiilladu wuxuu Astaan u yahay Dimuqraadiyadda Puntland oo guuleysatay, maadaama Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ahaa Guddoomiyihii Guddigii Ku meel gaarka aheyd ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) kuwaasi oo ku guuleystay qabashada Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka Puntland, Waxaan u rajeynaya Baarlamaanka cusub iyo Guddoonkooda in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday oo hadda ay ugu soo horeyso diyaarinta iyo qabashada Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Hambalyo,” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

———DHAMMAAD——-

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online