Madaxweyne Deni oo markale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland

January 8, 2024 - Written by Editor

Garoowe: -Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Shanta sano ee soo socota 2024-2029.

Madaxweyne Deni ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey oo labajeer oo isku xiga dib loogu doortay Madaxweynaha Puntland. Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa u tartamay 11 Musharax, iyadoo wareeggii ugu dambeeyey ee sadexaad ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo helay 45 cod, halka Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre helay 21 cod.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hadlay doorashada kadib ayaa u mahadceliyey Guddoonka iyo xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland iyo hawl-wadeenada golaha oo laf-dhabar u ahaa doorashada, Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan caasimadda Garoowe iyo ciidamada Amniga ee sida naf-hurnimada leh u gutey waajibaadkoodii.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Puntland, siyaasiyiinta, culimada iyo ciidamada qalabka sida ku booriyey inay isku duubnaadaan oo ka wadashaqeeyaan dowladnimada iyo horumarka Puntland.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online