Madaxweyne Farmaajo oo ka digay wax ka badalka Dastuurka Dalka.

January 22, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Iyadoo aan ognahay khatarta jiritaan ee maanta ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Annagoo ka duulayna sida shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed ay ugu midoobeen difaaca midnimadooda iyo madaxbannaanidooda, meelna ay isaga dhigeen arrimaha khilaafka gudaha, mucaarad iyo muxaafidna ay arrinkan ku garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo goleyaasha dowladda.

Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.

Marxaladdan xasaasiga ah ee aynu ku jirno ma xamili karo dalkeennu in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda in ay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna.

——–Dhamaad——

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online