Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ka digay wax ka badalka Dastuurka.

January 22, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaan markhati maddoonta ah in dalkeenna uu maraayo marxalad adag, kuna jiro xaalad xasaasi ah oo u baahan midnimo iyo wada tashi si loo waajaho xaaladda adag. Waxaan si dhaw ula soconnaa khtaraha ku xeeran dadka Somaaaliyeed oo maanta u baahan in laga ilaaliyo wax kasta oo keeni kara khilaaf, maanta waa fursad dadka Soomaaliyeed dib loogu mideyn karo meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa habboon in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel gaarka ah, waqtina la siiyo wadatashiga iyo ra’yi aruurinta arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin.

Dowladda, waxaan kula talinaynaa in ay ku mashquulaan arrimaha horu-tabinta u leh danaha Qaranka Soomaaliyeed, waqtigaan la joogana uga shaqeeyaan si taxaddar leh.

Sidoo kale, Dowladdu waa inay qaaddo tallaabooyin u dhigma waxa ka socda gobalka oo lagu xaqiijinaayo badqabka madax bannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambayn, sidi aan horey u ballan qaadnay waxaan diyaar u nahay inaan dowladda kala shaqayno difaaca dalka.

———Dhamaad—–

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online