Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ka qeyb galay sanad guuradii 25aad ee FPENS,

January 14, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPENS, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay dalladda Waxbarashada FPENS ay ka badbaadisay aqoon la’aan kumaankun oo ka mid ah ubadka Soomaaliyeed, isla markaana wax wayn ka badashay dhaqankoodii iyo noloshoodii.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumaddu ay dhiirigalinayso dalladaha ka shaqeeya waxbarashada dalka inay iska kaashadaan si kor loogu sii qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.

Daladda Waxbarashada FPENS ayaa waxa aasaasay aqoonyahano Soomaaliyeed burburkii dowladda dhexe ka dib, taasi oo noqotay madal lagu badbaadiyey waxbarshadii carruurta, isla markaana ay ka aflaxeen in ka badan 1 milyan oo arday Soomaaliyeed ah.

——DHAMMAAD

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online