Raisulwasaare Kheyre oo si adag u diiday Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

January 1, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiis ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya.

Itoobiya iyo Soomaaliya waa labo dal oo daris ah, oo kala mudan is-xaqdhowr iyo wax-wada-qabsi ku dhisan isixtiraam qarannimada dal walba, waana wax aan la aqbali karin in Addis Ababa ay maanta ku tallaabsato qaadashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Hadii aan nahay madax iyo shacabba, waa in aan u midownaa kahor tagga tallaabadan ay Itoobiya isuga dayayso qabsashada qeyb ka mid ah biyaheena, sidoo kalana lagu tir tirayo mabaadii’dii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4aad, faqraddiisa B.

Marna ma aqbali doonno ficilka noocan oo kale ah ee mugdiga galinaya jiritaankeenna, waxaana ugu baaqayaa Dowladda Itoobiya in ay ka laabato arrintan oo ay ilaaliso nabadda, xasiloonida iyo darisnimada.

Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaan u soo jeedinaya in ay arrintan deg deg uga bixiyaan jawaab u qalanta, ayna u diyaar garooban wixii fal-celin mideysan ah oo loo baahan karo. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta midnimada, Dhulka iyo badda Soomaaliya.

Raisulwasaare Hassan Ali Kheyre

Halgan.net

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online