Xildhibaanada Cusub ee Puntland oo la dhaariyey

January 1, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah u dhaarisay 58 mudane oo ka mid ah 66 Xildhibaan ee Golaha Wakiillada.

Dhaarta Dastuuriga ah:

” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.”

Xildhibaannada cusub ayaa dhaarta kadib waxay Guddoomiye KMG ah u doorteen Mudane, Xildhibaan Xassan Cabdalla Xassan.

Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda inay doortaan Guddoonka rasmi ah ee Golaha Wakiillada, Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka.

——-DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
January 2024
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online