Madaxii Suuq-geynta Shirkada Golis Cumar Faaruq oo ku dhintay shil gaari magaalada Garoowe.
September 2, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Alaha u naxariistee waxaa Shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Garowe ee xarunta Puntland ku dhintay Madaxii Suuq-geynta Shirkadda Isgaarsiinta Golis Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq) iyo wiil uu dhalay ka dib markii uu gaari kula gadoomay meel u dhow Kantaroolka Waqooyi ee magaalada Garowe.
Waxaa sidoo kale Shilka gaari ku dhaawacmay caruurtii Madaxii Suuq-geynta Shirkada Golis Cumar Faaruq alaha caafimaad siiyo dhamaantood,
Howlwadeenada Halgan.net ayaa si gaara ugu tacsiyeynayay Madaxii Suuq-geynta Shirkada Golis Cumar Faaruq alaha waxaan ugu baryeynaa in uu janatu fardowso geeyo Aaamiin.
Halgan.net