Waa Su’aal Da’ weyn (Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jigjiga), Qaybtii 2aad W/Q Sh. Axmed Xasan
September 8, 2016 - Written by EditorMalesia:-Qaybtii 1aad ee qormadeenna waxaan ku soo tilmaannay sida ay dadka soomaaliyeed u falanqeeyeen booqashadii Madaxweyne Xasan Sh. ee Magaalada Jigjiga, iyadoo aan qaybtaas ku soo lafagurnay qodobka (B) oo ka mid ahaa shan qodob oo aan ugu talo gallay inaan ku qaadaa-dhigno qormadan haddii Allaha weyn oggolaado. Waxaa kale oo aan soo sheegnay farqiga dhinacyo badan saamaynaya (shalay iyo manta) ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya laga soo billaabo Sanadkii (1974). Haddaba, waxaan halkan ku soo qaadanaynaa qodobkii 2aad ee Qormadan oo ahaa:
T) Xiriirka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda deegaanka (1996) ka dib
Waxaa xusid mudan in labadii maamul ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay isla dhaceen sanadkii (1991), iyada oo ay maamulkii itoobiya ka guulaysteen jabhado xafiisyo ku lahaa Soomaaliya sida jabhaddii Ereteriya oo iyadu markiiba ka hoos baxday Itoobiya iyo jabhaddii Tigraayga oo iyagu u xuubsiibtay inay maamulaan Itoobiya inteeda kale, kuwaas oo waliba faragelin ku sameeyey Dastuurkii Itoobiya oo ay ku saleeyeen Nidaam Federaal oo Qowmiyado ku dhisan, qowmiyadda Soomaaliduna ay ka mid tahay. Sidoo kale, maamulkii dalka Soomaaliya waxaa ridey jabahadihii tirada badnaa ee aan ka soo magacownay SSDF, SNM iyo USC oo iyaguna gacan-saar adag la lahaa dawladdii dhexe ee Itoobiya, inkastoo aysan jabhadahaas u suurtoobin inay dawlad dhexe isla yagleelaan.
Haddaba, ka hor inta aynaan tilmaamin heerka xiriir ee Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan Deegaanka Soomaalida, bal aan si kooban u dul marno arrimihii ugu waaweynaa
ee dhacay burburka ka dib, iyadoo lagaba yaabo inaynu qodobkan jawaabtiisaba ka helno isu geynta iyo dhuuxidda dhacdooyinka soo socda, waana sidan:
Ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya (1991), waxaa isla sanadkaasba lagu dhawaaqay inay Gobollada Waqooyi ka go’een Soomaaliya, waddankuna wuxuu galay dagaallo qabyaaladeed oo naf iyo maalba galaaftay oo waliba dabayshoosu ay gaartay guud ahaan Soomaaliya oo ay ku jiraan gobolladii waqooyiga gaar ahaan Hargeysa & Burco oo ay ka dhaceen dagaallo sababay in guud ahaanba laga guuro magaalada Burco.
dhammaadkii (1992) Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyey in
ciidamo loo diro Soomaaliya(waliba Koonfurta) kuwaas oo uu hoggaaminayey ciidanka Maraykanku. Hase yeeshee, bartamihii (1993) ayuu Maraykanku hoggaankii ciidanka ku wareejiyey Qaramada Midoobay, iyadoo bilowgii (1995) ay guud ahaanba ciidamadaas ka baxeen Soomaaliya.
Isla Sanadkaas(1995) bilowgiisii waxaa geeriyooday Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, bishii 8aad ee (1996) waxaa geeriyooday Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, iyadoo isla sanadkaas dhamaadkiisii Itoobiya ay ku dhowaaqday inay ciidamadoodu hawlgal milatari ka sameeyeen Gobolka Gedo.
Sanadkii ku xigay ee (1997) waxay ciidanka Itoobiya soo galeen Gobollada Bay iyo Bakool, iyadoo isla sanadkaas madaxwenaha S\Land loo doortay Maxamed X. Ibrahim Cigaal, bishii 8aad ee sanadkii (1998) waxaa lagu dhawaaqay maamulka P\Land.
Sidoo kale, Bartamihii Sanadkii (2000) waxaa magaalada Carta ee waddanka Jabuuti lagu dhisay dawlad ku-meel gaar ah oo ay Soomaaliya yeelato iyadoo madaxweyne loogu doortay Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan inkastoo labadii madaxweyne ee S\Land iyo P\Land iyo waliba xukuumadahoodii midna uusan ka qayb-gelin shirkaas.
Bartamihii sanadkii (2005) waxaa la so af-jaray wada-hadal kooxihii Soomaalida loogu qabtay Kenya kaasoo madaxweyne loogu doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo isaguna R\wasaare u magacaabay Cali Maxamed Geeddi iyadoo isla sanadkaasba ay dawladdu fariisin ka samaysatay magaalada Jowhar ka dibna magaalada Baydhabo. Bishii 2aad (2006) waxaa lagu dhawaaqay Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada oo ay ku midoobeen sagaal ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadiiii Muqdisho 2 kalena ay dib kaga biireen.
Ka dib hadal ay jeediyeen madaxdii isbahaysigu, waxaa jawaab-celin ka bixiyey madaxdii Midowga Maxaakimta iyo qaar ka mid ahaa culimadii Muqdisho oo iyagu baaq u jeediyey dadka reer Muqdisho si ay uga hor-tagaan Isbahaysiga lagu dhawaaqay. Isla maalmihiiba waxaa bilowday dagaal lagu qaaday Dayniile oo ahayd xaruntii looga dhawaaqay Isbahaysiga, mana joogsan dagaalkaas ilaa bishii 6aad (2006) oo ay magaalada Muqdisho ka baxeen dhammaan xubnihii Isbahaysigu, iyadoo ay ciidankii Maxaakimtuna waqti yar ku tageen dhinaca koonfureed ilaa Kismaayo(500km) oo ay xoog kula wareegeen, Baydhabo(Xaruntii Dawladda KMG -260km) oo ay laba aag ka degeen iyo waliba xuduudda G\kacyo(700km) oo ay xarun dagaal ka furteen Tuulada Bandiiradley.
Dhammaadkii (2006) Baarlamaanka Itoobiya ayaa ansixiyey in ciidamo loo diro Soomaaliya si loo difaaco nabadgalyada Itoobiya loona taageero dawladda Soomaaliya. Intaas ka dib, ciidanka Itoobiya oo markii horeba joogay Gobollada Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo waliba gudaha dhammaan xuduudda dheer ee Soomaaliya waxaa loo dhaqaajiyey dhinaca Muqdisho. Sanadihii (2007) & (2008) ciidanka Itoobiya wuxuu gaaray Muqdisho(Banaadir) iyo waliba gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Sh\Dhexe, Sh\Hoose, J\Dhexe, J\Hoose, Bay, Bakool iyo Gedo. Hase yeeshee, waqtigas waxay ciidamada Itoobiya la kulmeen dagaal adag oo ku khasbay inay bilowgii (2009) ka baxaan Soomaaliya iskuna uruuriyaan deegaanno ka mid ah Xuduudda, inkasta oo ay xukuumadda Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh ay billowgii (2014) magaalada Baydhabo ku ansixisay in Itoobiya ay ka mid tahay dawladaha Ciidanka nabad-ilaalinta Soomaaliya(AMISOM) iyadoo waliba uu Madaxweyne Xasan ku sheegay khudbadii uu ka jeediyey Jigjiga inuu jiro ciidan kale oo Itoobiyaan ah oo aan hoos tagin AMISOM oo Soomaaliya ku jooga codsi ay Xukuumaddiisu u jeedisay Itoobiya.
Intaas waxaa dheer, waxaa Itoobiya jooga Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Itoobiya, Wakiilka S\Land ee Itoobiya iyo Wakiilka P\Land ee Itoobiya, sidoo kale waxaa Soomaaliya jooga Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, wakiilka Itoobiya ee S\Land iyo Wakiilka Itoobiya ee P\Land.
Haddaba, waxaan taariikhdaas dheer iyo dhacdooyinkaas kala duwan u soo qaatay inaad halkaas kala dhex baxdid nooca xiriir ee dhex maray labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya iyo waliba Soomaaliya iyo Deegaanka Soomaalida Itoobiya.Waa muddo (20) sano ka badan oo ay shacabkii Soomaaliya si dhab ah u tijaabiyeen muruqii iyo maankii qabyaaladeed ee ku kaydsanaa, waana casharadii iyo habdhaqankii ay ka faaiideen dawladnimada intii u dhaxaysay (1960 – 1990).
Halkan ka Akhriso Qeybtii koowaad Waa Su’aal Da’ weyn (Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jigjiga),
Sh. Axmed Xasan, arday PhD Culuunta Shareecada
La soco qaybaha kale idanka Alle…..