Madaxwaynaha Jubbadalnd oo u ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
January 16, 2020 - Written by EditorKismaayo:-Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u amabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Safarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmaya xili ay sii xumaatay xiriirka ka dhexeeya maamulka Jubbaland iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka socoda qabanqaabada lagu soo dhawaynayo madaxweynaha Jubaland iyo wafdigiisa waxaan garoonka hadda ku sugan madaxweynaha Puntland Siciid Abdullaahi Deni iyo qaar ka tirsan 2 gole ee dowladda Puntland.
Ilo xogogaal ah oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa noo sheegay in mdaxweynaha dowaladda Puntland iyo madaxweynaha Jubbland ay ku yeelan doonaa kulamo gaar gaar ah oo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo weliba doorashada Madaxweynenimo ee maamulka Gal-Mudug iyo weliba tan Federalka oo waqtigeedu soo dhaw yahay
A/cawaale
Halgan.net