Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya.[Video]

May 6, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga, ku dhawaaqaysaa in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Jamhuuriyadda Kenya.

Dowladda Jamhuuriyadda Kenya waxay soo dhawaynaysaa tallaabadan lagu ilaalinayo danaha daris-wanaagga labada dal.

Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Madaxweynayaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan.


—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
May 2021
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online